Hiv-ka iyo Covid-19

Markaad la nooshahay HIV-ka, ma jirto halista sii kordheysa ee lagu qaado cudurka coronavirus ama aad ugu xanuunsato cudurka 'Covid-19'. Haddii aad leedahay habdhis difaaca jirka oo hooseeya (tusaale hadii aad 200 ka hoosayso tirada CD4) iyo cudurro kale oo halista ah, waxaa laga yaabaa inaad ku jirto kuwa halista sare u ah cudurka Koroonaha.

scheduleOppdatert: 06.01.2022

createForfatter: Sekretariatet

labelEmner:

Qeybaha cudurada faafa ee isbitaalada Norwey badanaa waa kuwa lagu daaweeyo  xanuunka Koroonaha, sidaas darteedna mararka qaar wax badan ayaa la qaban karaa. Tani waxay saameyn ku yeelan kartaa la socoshada dadka la nool HIV-ka, si markaas qaar ka mid ah dabagalka ay ugu dhici karaan taleefan ama dijitaal, halkii ay ka ahaan lahaayeen la kulan ahaan. 

HivNorge waxay soo uruurisay warbixin kusaabsan HIV iyo covid-19 oo dhowr luqadood ku qoran.

Les også

schedule13.01.2023

→ Ma ku cusub tahay Norway oo ma u baahan tahay daawada HIV-ka?

Qof kasta oo Norway jooga oo la nool HIV wuxuu xaq u leeyahay daawaynta HIV oo bilaash ah. Tan waxaa laga heli karaa dhakhaatiirta isbitaalka kuugu dhow oo leh waaxda cudurrada faafa.

schedule06.01.2022

→ Tallaal covid-19 ammaan ah

Tallaallada covid-19 ammaan bay u yihiin (way qaadan karaan) dadka la nool hiv, sidaa waxaa sheegay UNAIDS. Dhakhaatiirta infakshinnada Noorwey ayaa ku taageeray taas, oo ku boorrinaya dadka la nool hiv inay qaataan tallaallada.