Taageero maskaxeed iyo mid bulshoba

HIV-ku waa xanuun loo arki karo in uu yahay cilad adag oo lala noolaado maxaa yeelay waxaa jira nacayb badan iyo aqoon yar oo ku saabsan xanuunka HIV-ka bulshada dhexdeeda. Sidaa darteed, waxay noqon doontaa muhiim inaad haysato qof ku siin kara taageero.

scheduleOppdatert: 23.07.2021

createForfatter: Sekretariatet

labelEmner:

Waxay noqon kartaa saaxiibo, qoys, dadka kale ee la nool xanuunka HIV-ka ama tusaale ahaan, waxaad ka qaybgeli kartaa aqoon-isweydaarsiyo ama shirar ka dhaca HivNorge. Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka ee kujira qaybaha cudurka waa taageero wanaagsan, laakiin waxa khibradeena ah inaan la kulanno dadka kale ee la nool HIV-ka waxay ku siinayaan aragti iyo aqoon fiican oo ku saabsan sida nolosha dhabta ah ee HIV-ku ay u muuqato. Adeegga asaasiga ah ee HivNorge waa u fidin dadka la nool HIV-ka ama qaraabada halkaas oo ay kula kulmi karaan oo ay kula wadaagi karaan khibradaha dadka kale ee qaba HIV-ka ama ehelka kale. 

Les også

schedule13.01.2023

→ Ma ku cusub tahay Norway oo ma u baahan tahay daawada HIV-ka?

Qof kasta oo Norway jooga oo la nool HIV wuxuu xaq u leeyahay daawaynta HIV oo bilaash ah. Tan waxaa laga heli karaa dhakhaatiirta isbitaalka kuugu dhow oo leh waaxda cudurrada faafa.

schedule06.01.2022

→ Tallaal covid-19 ammaan ah

Tallaallada covid-19 ammaan bay u yihiin (way qaadan karaan) dadka la nool hiv, sidaa waxaa sheegay UNAIDS. Dhakhaatiirta infakshinnada Noorwey ayaa ku taageeray taas, oo ku boorrinaya dadka la nool hiv inay qaataan tallaallada.